Thursday, February 13, 2025
HomeWararDibaddafaafaahin :dagaal culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan.

faafaahin :dagaal culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan.

Dagaal khasaare geystay ayaa ka dhacay Waddada isku xirta Degmooyinka Buula-burte iyo Halgan ee Gobolka Hiiraan Ugu yaraan shan ka tirsan xoogagga Al-shabaab ayaa lagu dilay dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa deegaanka iyo alshabaab ku dhexmaray jidka isku xira degmooyinka Buula-burte iyo Halgan ee gobolka Hiiraan.
Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa u sheegay warbaahinta in iska horimaadku uu ka dhacay buurta lagu magacaabo Wareertiire, kaddib markii ay isku uruursadeen kooxihii weerarka ku qaaday ciidamo beeleed deegaanka ah. Saraakiisha ayaa intaa ku daray in dagaalka uu socday ku dhawaad ​​labo saacadood.
Iska horimaadkan ayaa imaanaya maalin kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay meesha ka saareen dhowr maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kadib duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday meel u dhow degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan. Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa beegsaday xubno ka tirsan kooxda oo ku shirsanaa deegaanka Jicibow.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe