Thursday, February 12, 2026
HomeWararFaa Faahino Ka Soobaxaya Dilal Ka Dhacay Boosaaso Iyo Galkacyo

Faa Faahino Ka Soobaxaya Dilal Ka Dhacay Boosaaso Iyo Galkacyo

Dilal Kala Duwan Ayaa Saacadihii La Soodhaafay Ka Dhacay Deegaano Ka Tirsan Deegaanada uu Ka Arimo Maamulka Puntland

Dilka kobaad ayaa waxa uu ka dhacay bartamaha Magalada boosaaso gaar ahaan goob Gawaarida laga raaco oo lagu Magacaabo Gaaca,waxaana dad ku sugan Boosaaso ay sheegeen in la dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland.

Nin ku hubeysnaa bustoolad ayaa la sheegay in askariga oo lagu Magacaabi jiray Shucayb Cismaan Caluula uu dhowr xabadood madaxa kaga dhuftay xilli ay wada saarnaayeen Gaari rakaab ah, kadibna uu halkaasi ka baxsaday.

Dilka labaad ayaa waxa uu ka dhacay Waqooyiga magalada Gaalkacyo kadib markii Nin hubeysan uu Gurigiisa hortiisa ku toogtay xalay Wiil 12 jir ah oo lagu Magacaabi jiray Xaaji Cabdirashiid Faarax,isaga oo goobta ka baxsaday.

Dilkaan Waxaa La Sheegay in uu Yimid Markaa Ninka Dilka Geestay oo Damcay In uu Wiilka Yarkaa uu Ka Dhaco Telefonkiisa Gacanta Balse wiilka Yare oo Ku Fara Adeegay

Weli lama oga sababta loo dilay iyo cida ka dambeysa dilkiisa,hayeeshee waxa uu kusoo aadayaa xilli weli Magalada Gaalkacyo laga hadal haayo kufsigii iyo dilkii loo geystay Caaisho ilyaas Aadan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe