Barqanimadii Maanta ayaa Askari ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya waxa uu Darawal mooto bajaajle ahaa ku diley Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan halka qof kale uu dhaawacay,waxaana la sheegay in askarigaas gacanta lagu dhigay.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in askarigaas dilka iyo dhaawaca geystay ay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gacanta ku dhigeen.

