Qaraxaani oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ciidamadaan lagula eegtay halka loo yaqaano Deegaanka Bali Qadar oo ku Yaala Buuraleyda Galgala, Ee Gobolka Bari waxaana ku dhintay hal askari Afarkalan Waa Ay ku dhaawacmay sida Ay Ilo Xog Ogagaal Ah Inoo Xaqiijiyeen Ka Dib Markii Gaari Ay Wateen uu Dulmaray Miinada oo Wadada Ku Aasneed
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in dhaawaca askartaasi la geeyay isbitaal ku yaalla Magaalada Boosaaso, waxaana lala tacaalayaa xaaladooda caafimaad.
Dhanka Kala Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan sida ay baahisay Idaacadda Ku Hadsha Afkooda Waxaana Weerarkan uu Ka Dhiganyahay weerarkii ugu horreeyay ee lagu beegsado maamulka Puntland tan iyo markii uu madaxweyne noqday Saciid Cabdullaahi Dani.
Maamulka Puntland ayaa waxa uu Galgala kula dagaalamayaa Shabaab, iyo Daacish, waxaana badi Shabaab ay ciidamada Puntland ay la beegsadaan qaraxyada nuucaani ah.
Sidoo Kale Dhankooda Puntland Wali Kama Aysan Hadlin Weerarkaan Ciidamadooda La Gula Eegtay Buuraha Galgala Ee Gobolka Bari

