Thursday, May 15, 2025
HomeWararDuqa Muqdisho: “Waa in aan Daroogada la dagaalanno oo aan ugu tagno...

Duqa Muqdisho: “Waa in aan Daroogada la dagaalanno oo aan ugu tagno albaab weliba oo lagu iibiyo”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in Shacabka Caasimadda looga baahan yahay in ay ka qaybgalaan dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ & Walxaha maanka-dooriya.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in aanay la aqbali Karin in laga ganacsado, la isticmaalo oo Muqdisho lagu dhex qariyo ‘Daroogada, Ciyaal-weerarada & AS’ oo dhibaato ku ah xasiloonida Gobolka Banaadir waa sida uu hadalka u dhigay.

Ololaha la dagaalanka ‘AS’ & Walxaha maanka-dooriya ayuu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale in uu kasii socon doonno Caasimadda.

“Kuwa Daroogada ku nool, kuwa kariya, kuwa keenna & kuwa iibiya iyagaas ayay lamid yihiin maxaa yeelay ummaddeena waxaa baabi’iyay oo maalin weliba xabbadda ku ridaaya oo ugu dhaceyso waa daroogiiste aan ogaal lahayn oo in uu dad dilaayo & dagaal galaayo aanay kala ogeyn, ma aqbali karno in aan mar iska ilaalino cadaw Khawaariij ah oo qaraxyadiisa & xabbaddiisa wata marna iska ilaalino mid naloogu talagalay in uu na ilaaliyo, waxaa taasi uga hortagi karnaa waa in aan daroogada la dagaalanno oo aan uga tagno albaab weliba oo lagu iibinayo” Duqa Muqdisho ayaa hadalkaan ka jeediyay Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa billaabay kulamo xooggooda looga hadlayo amniga, la dagaalanka ‘AS’, Walxaha maanka-dooriya & dhalinyarada loo yaqaan Ciyaal-weerarada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe