Sunday, August 9, 2026
HomeWararDibaddaDuqa Muqdisho oo qaabbilay Danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya

Duqa Muqdisho oo qaabbilay Danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya dalka Soomaaliya Dr. Abdolla Salem Alnuaimi.

Duqa Muqdisho iyo Alnuaimi ayaa ka wada hadlay xariirka labada dhinac, Iskaashiga iyo dar-dargelinta Mashaariicda horumarineed oo ay Dowladda Qatar ka fuliso Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, waxa ay labada dhinac isla qaateen xoojinta taageerada Dowladda iyo dhiirigelinta Maalgashiga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe