Kadib howlgal qorsheysan oo ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay ku soo qabteen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabo Aadan Maxamed Cali Dhaayow oo ku sugnaa deegaanka Kuunyo Buurow oo qiyaastii 30 KM dhanka Galbeed kaga beegan degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Xariga Cali oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee kooxda ayaa dhabar jab weyn ku noqon doonta ciidamada Alshabaab ee deegaankaasi ku sugan, iyadoo la sheegay inuu ahaa hogaamiye kooxeed abaabuli jiray weerarada iyo dhaq dhaqaaqyada.
Qabashada sarkaalkan sare oo ka tirsan Al-shabaab ayaa ku soo beegmaysa xilli hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA ay toddobaadkan gudihiisa soo bandhigtay 12-qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxdaas, iyadoo ay sii kordhayaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab. Eedeysanayaashan ayaa laga soo qabtay magaalada Baydhabo oo sida la sheegay ka mid ah meelaha ay sida xun ugu badan yihiin Argagaxisada, iyagoo lacago baad ah ka qaadan jiray shacabka, isla markaana falal dhibaato ah ka geysan jiray.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday in dowladdiisa ay sii wadi doonto dagaalka guud ee ka dhanka ah Al-Shabaab inta laga gaarayo guul. Labadii sano ee la soo dhaafay, ciidamada ammaanka ayaa horumarro la taaban karo ka sameeyay la dagaallanka Al-Shabaab, taasoo keentay in ay isa soo dhiibaan dagaalyahanno badan oo ka tirsan kooxda.