Wednesday, May 6, 2026
HomeWararGudahaDowladda Soomaaliya Oo Shaqadii Ka Joojisay Taliyaha Xabsiga Dhexe Kadib Markii...

Dowladda Soomaaliya Oo Shaqadii Ka Joojisay Taliyaha Xabsiga Dhexe Kadib Markii Uu Fashilmay Isku Daygii Xabsiga Dhexe .

Kadib markii uu fashilmay isku daygii xabsiga oo ay isku dayeen maxaabiis dabley ah ayaa waxaa shaqada laga joojiyey taliyaha xabsiga dhexe ee Soomaaliya S/Guuto Daahir Cabdulle Raage inta baaritaan lagu sameynay Dhacdadan oo dhacday 13-kii Luulyo ayaa la arkayay maxaabiis ku hubaysan bastoolado iyo bambaanooyinka gacanta laga tuuro oo weerar abaabulan ku qaaday ilaalada xabsiga si ay xorriyad ugu helaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa si deg deg ah uga jawaabtay jebintaasi iyadoo u saartay guddi ka kooban 8 xubnood oo si qoto dheer uga soo baaraandegaya duruufaha ku xeeran isku dayga baxsadka ah. Gen Maxamed Xuseen Axmed ayaa loo magacaabay ku simaha taliyaha xabsiga, waxaana uu hoggaamin doonaa dadaallada baaritaanka.

“Hakinta Sarreeye Guuto Raage waa tallaabo taxaddar leh si loo xaqiijiyo baaritaan dhab ah oo dhexdhexaad ah ” ilo dowladeed ayaa sidaas yiri.

Kooxda waxaa ka go’an inay fahmaan sida jebintaani u dhacday iyo inay hirgeliyaan tillaabooyinka looga hortagayo dhacdooyinka mustaqbalka.

Isku dayga xabsiga ayaa waxaa ka dhashay iska horimaad gacan ka hadal ah oo ka dhacay gudaha xabsiga kaasoo sababay khasaare kala duwan oo soo gaaray maxaabiista iyo ilaalada xabsiga Gurmadka degdega ah ee ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa ka hortagay baxsadka balse weerarka ayaa muujiyay habacsanaan weyn oo dhanka ammaanka ah oo ka jirta xarunta.

Guddiga uu hoggaaminayo Gen. Axmed ayaa baaritaan ku sameyn doona arrimo kala duwan oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen, sida maxaabiista ay hub ku heleen iyo haddii ay jiraan fashil amni oo gudaha ah. Baaritaanka ayaa ujeedadiisu tahay in la ogaado shaqsiyaad kasta oo laga yaabo in ay fududeeyeen isku dayga baxsadka ah iyo in ay ku taliyaan dib u habeyn si kor loogu qaado ammaanka xabsiga.

Dhacdadan ayaa daba socota weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay maqaayadda Top Coffee Cafe ee magaalada Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen shan qof labaatan kalena ay ku dhaawacmeen habeenkii AxaddaDib-u-dhacyada dhanka amniga ah ayaa keenay in dowladda Soomaaliya ay xoojiso dadaallada ay kula dagaalamayso khataraha mintidiinta.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

11 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe