Friday, April 17, 2026
HomeWararDowladda Somalia oo markii ugu horreysay shaacisay tirada Askarta lagu dilay weerarkii...

Dowladda Somalia oo markii ugu horreysay shaacisay tirada Askarta lagu dilay weerarkii Masagawaay

Kadib markii todobaadkii hore Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku billaawday ku qaadeen Saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin degaanka Masagawaay oo hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa dowladda Soomaaliya markii ugu horreysay ay shaacisay tirada Askarta lagu dilay weerarkaas.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay weerarkaas kaag dhinteen 9 Askari oo kaliya, balse Al-Shabaab ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen.

Wasiir Al-Cadaalla oo la hadlayay Tv-ga Universal wuxuu beeniyay Gaadiidkii dagaalka iyo Hubka oo ay Al-Shabaab Baraha Bulshada kusoo bandhigeen, kuwaas oo ay sheegeen inay ku qabsadeen degaalkii Masagawaay, wuxuuna sheegay in dagaalkaas Hal gaari kaliya looga gubay Ciidamada dowladda Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe