Home Warar Dowlada Somaliya oo Gabi Ahaan Ha Kisay Duulimaadyadii Kismaanyo

Dowlada Somaliya oo Gabi Ahaan Ha Kisay Duulimaadyadii Kismaanyo

92

Maamulka Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa guud ahaan ku dhawaaqday in la joojiyay diyaaraddaha Aada iyo kuwa ka yimaada Garoonka Magaalada Kismaayo muddo Saddex maalin ah.

Maamulka Hey’adda ayaa ku wargeliyay Shirkadaha Diyaaradaha in la hakiyay duulimaadyadii tagi jiray Kismaayo laga bilaabo 23 bishan September illaa 26 bishan, waxaana mudadaas la sheegay in wax duulimaad ah ka degi karin Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku hortageysaa in laga qeyb galo Caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo lagu waddo in ay dhaco 26-Bishaan.

Khilaafka ka dhex taagan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa xoogeystay maalmihii ugu dambeeyay, waxaana ka dhashay in si tartiib ah loo joojiyo dhamaan duulimaadyada.