Friday, May 29, 2026
HomeWararGudahaDiyaarado Dagaal oo duqayn ka fuliyay Gobolka Jubada Dhexe

Diyaarado Dagaal oo duqayn ka fuliyay Gobolka Jubada Dhexe

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Dhexe ee Dowlad Goboleedka Jubbaland gaar ahaan deegaanno hoostaga Degmada Jilib ayaa ku warramaya in halkaas ay ka dhaceen duqaymo diyaaradeed oo la sheegay in lagu beegsaday Xubno katirsan AS.

Duqaynta oo iska kaashadeen Dowladda Federaalka iyo Dalalka ka gacansiiya fulinta weerarrada cirka ah ayaa ka dhacay deegaannadaaa hoostaga Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.

Ma jirto faahfaahin dhammaystiran oo Dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo saartay duqayntaan sida khasaaraha ka dhashay, haddii waxyeello kasoo gaartay Dad rayid ah iyo cidda sida gaarka ah loogu beegsaday.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe