Waxaa markii ugu horeysay magaaladda Cadaado ee Xarunta Baarlamaanka Galmudug, lagu soo bandhigay Diyaarada nuuca dagaalka ah oo lagu farsameeyay gudaha magaalada cadaado.
Diyaaradaan yar oo loogu Magac daray  Somali Air Force, ayaa waxaa hal abuuray Eng. Axmed Cumar Sahal oo ka mid ah dhalinyarada Magaaladda Cadaado, asagoo sheegay in sameynta diyaaradaan ay ku qaadatay waqti dheer islamarkaana uu galiyay dadaal badan sidii uu diyaarad u soo saari lahaa.
Diyaaradaan oo si cajiib ah loo farsameeyay islamarkaanka lagu xardhay midabo caddaan iyo buluug ah oo u eg calanka soomaaliya, waxaa bandhigeeda u soo daawasho tagay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada cadaado.
Diyaaradaan maduuli karto, hasayeeshee waxaa ay qaadi kartaa hal qof, ayadoo dhulka ku socon karta masaafo dheer.
Axmed Cumar Sahal oo farsameyay diyaaradaan yare ee nuuca dagaalka ah, ayaa sheegay in diyaaradaan uu ugu magacdaray Somalia Air Force, Islamarkaana uu u hibeeyay Ciidanka Difaaca Cirka Soomaaliya, si loogu soo xasuusto diyaaradaha dagaalka soomaaliya.
#Diyaarad nuuca #Dagaalka ah oo lagu sameeyay #Cadaado ayaa lasoo bandhigay#Diyaaradan oo loogu magacdaray Somali Air Force ayaa waxaa sameeyay Axmed Cumar Sahal waxuuna sheegay inuu u hibeyn doono #ciidamada difaaca cirka Somalia.
Dhawaan filo muuqaal#Cadaado #Somalia pic.twitter.com/vfIcI6YGIh
— C A D A A D O 🇸🇴 (@CadaadoCity) March 3, 2019

