Home Warar Dimuqraadiyad noocee ah ayaa ka jirta Somaliland? {AKHRISO}

Dimuqraadiyad noocee ah ayaa ka jirta Somaliland? {AKHRISO}

32

“Dab iyo dhagax, la iskuma dhuftee, kala dhawraay”, Abwaan Cali Sugulle (AUN)
Horraamihii bishii Febraayo 2021 ayaa maamulka Somaliland (SL) xabsiga u taxaabay murshaxiin baarlaman oo ka tirsan xisbiga UCID: Maxamed Axmed Jaamac iyo Raage Axmed Yusuf. Xabsiga labada murashax waxa loo sibir-saaray, in reeraha ay labada murashax ka soo jeedaan murashaxyo kale ku leeyihiin xisbi xaakimka Kulmiye.
Sidoo kale 25tii bishii Abriil 2021 ayaa labo murashax, oo ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah, ayaa mir-dhexe oo habeenimo guryahoodii booliisku ka kaxaysteen, kuwaas oo kala ah: Abdillahi Xasan Xirsi (UCID) iyo Qasim Aden Saleeban (Waddani).

Haddaba ficiladaa xukumaddu SL waxay u dhacayaan in murashaxa cidda soo sharaxdaa tahay reerka ee aanay ahayn xisbiga. Kolkaa hadday sidaa tahay, talow, maxaa looga baahan yahay xisbiyada iyo dastuurka; shaqadii xisbiyadana ay odayaasha reeruhu hayaan?
Marka aad u dhabbo-gasho waxa kuu soo bixi in la isku wada raacsan yahay in doorashada dhacaysa 31da Maajo 2021 ay reero sharaxan yihiin, xisbiyaduna iska yihiin magac-u-yaal. Reerku qofka ay sharaxaan ayuun baa xisbiguna sharaxayaa. Waa afgarad sida u yaal, dawladduna midkaas ayey fulisaa.

Laakiin meel bay iska qabsan la’adahay: marna laguma fulin af-garadkaas, ilaa hadda, mursahixiin ka socota xisbi xaakimka Kulmiye. Odayaal reer oo mucayin ah oo la isla og-yahay, tiro go’aan leh, meel loogu soo hagaago lehina ma jiraan. Sidaa darteed murashax waliba odayaal taageersan kama qatana.
Waxa intaa dheer in murashiixintaas, muddada ay xabsiga ku jiraan, lagu dirqiyo inay saxeexaan warqado ay kaga tanaasulayaan murashaxnimadooda. Taasoo ah jawrfal loo geysanayo xuquuqdooda madaniga ah iyo xorriyadda qofka. Ogow in sharciga oo la raacaa yahay rukun ka mid ah rukumadadumuqraadiyadda.

Ficilada xadgudubka ah iyo hab-dhaqanka diktaatooriyadeed ee maamulka Somaliland waxay dabaysha raacinayaan dastuurka dawladnimo ee lagu andacoodo in dalku leeyahay.
Sideedaba fal-dhaqanka madaxda ayaa macneeya fekerkooda. Tusaale ahaan khudbaddii uu bishii Desembar 2020 m/weyne Muuse Biixi ka jeediyey tuulada Agabar, galbeedka Hargeysa, ayaa daaha ka feyday fekerkiisa, dubaaqiisa hoose iyo aragtida hagta-ba; taasoo uu ku tiraabay in doorashadii madaxtooyada ee 2017 ay reero ku tartameen, reerkiisuna ku guuleystay, reerihii kalena ay kaga adkaadeen doorashadaas.

Sidaa darteed, waxa Mudane Biixi ku baaqay in reerkii laga guuleystay, inay libta reerkiisa aqbalaan. Macnhii ka dhigan reerkii ku guuleysta doorsahada ayaa dawladnimada wada qaata. Ogow waxay taasi meesha ka saaraysaa rukun kale oo salu ah dimuqraadiyadda: talo-wadaag.
Teeda kale waxa Somaliland ka jira saddex xisbi oo keliya oo tobonkii sannaba mar la baabiiyo oo saddex kale oo cusubi soo bixi karaan. Ma garanayo meel dunida nidaam noocaas ahi ka jiro.

Arrin kale oo dhowaan soo kordhay baa iyana jirta. 21dii bishii Abriil 2021 ayuu baarlamanka Somaliland ansixiyey qaab-dhismeedka xisbiyada, taasoo meesha ka saaraysa dastuurkii iyo xeer-hoosaadkii xisbi waliba goonidiisa u lahaa. Macninhii xisbiga dawladda ayaa gacanta ku haynaya maamulka xisbiyada kale. Haddii fekerka m/weynaha Biixi ee uu khudbaddii Agabar ka jeediyey lagu dabaqana, miyaanay noqonayn reerkayga ayaa reerha kale maamulaya?
Waxa arrinkaa dood caqli-gal ah kala hor-yimi xildhibaanka waayo-aragga ah ee Cabdulqadir Jirde, kana digay cawaaqib-xumada talo-maroorsiga ah iyo cabudhineed ee looga aayi doono sharciga noocaas ah: xakamaynaya madax-banaanida xisbiyada. Cidi se dheg-jalaq uma ay siin.

Hab-dhaqanka noocan kore ahi wuxu ka hor-imanayaa rukumo kale oo dimuraadiyaddu leedahay sida: xadaynta awoodaha hay’adaha fulinta/dawladda, ilaalinta xoriyadda ra’yiga iyo xuquuqda samaysashada urur.
Haddaba, hore ayaa abwaan Cali Sugulle (AUN) uga digay khatarta dawlad iyo qabiil la is-dhex-geliyaa keeni karto, ama cidhib xumada qabiilka la reer-gashadaa (institutionalising) leeyahay, macnihii dawladnimada lagu badhxo reero. Waxa laga filaaba waa holac: dab iyo dhagax, la iskuma dhuftee, kala dhawraay.

In qabiil la reer-gashadaa, ma aha runtii, mid u gaar ah Somaliland. Geyiga Soomaalida oodhan baa dhibkaasi ka jiraa. Laakiin iyada waxbaa u weheliya: waxay ku faantaa oo dunida ka iibisaa dimuqraadiyad baanu ku dhaqannaa, Soomaali inteeda kale-na tusaal wacan oo lagu naaloodo bay u ahayeen. Imika se xaajadu waxay maryasaa in su’aal la saaro: dimuqraadiyad noocee ah ayaa Somaliland ka jirta? DIMUQRAADIYAD QARQOOSH? Allow sahal amuuraha.