Tuesday, April 28, 2026
HomeWararGudahaDil ka dhacay magaalada Baydhabo

Dil ka dhacay magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo waxaa dil loogu gaystay wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Soomaali, kaas oo kamid ahaa dhalinyarada caanka ah ee magaalada Baydhabo.

Cabdi Soomaali ayaa ahaa tababaraha kooxda Daarusalaam oo ka dhisan Baydhabo, iyadoo dilkiisa ay si weyn uga xumaadeen ehelladiisa iyo bahda ciyaaraha.

Askariga ka dambeeyay dilka marxuumka Aayaa gacanta lagu soo dhigay, wuxuuna ku doodayaa in rasaasta ay ka fakatay, ayna haleeshay wiilka dhalinyarada ah.

Magaalada Baydhabo waxaa dhawaan ka dhacayay falal ammaan darri oo isugu jiro dilal iyo dhac, iyada oo askar badan loo xiray, loona maxkamadeeyay dambiyo ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdaasi, oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dhaq-dhaqaaqyo ka socdaan Koonfur Galbeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe