Hay’adda udoodda xaquuqda Aadahana ee Amnesty ayaa soo saartay baaq “degdeg ah” oo ku saabsan xarigga loo gaystay gabadh u ololeysa arrimaha bulshada oo lagu magacaabo Sacdiya Macalin Cali, iyadoo dalbatay in si shuruud la’aan ah loo sii daayo.
Sida lagu sheegay warbixinta, Sacdiya oo ah darawal Bajaaj isla markaana ah qof firfircoon oo baraha bulshada iyo dibadbaxyada nabadeed ka hadasha, ayaa lagu xiray magaalada Muqdisho 12-kii Abriil.
Amnesty International waxay sheegtay in aysan jirin wax dacwad rasmi ah oo lagu soo oogay, balse la tuhunsan yahay in loo jaray waaran maxkamadeed oo 90 maalmood ah si baaritaan loogu sameeyo.
Hay’addu waxay xarigga ku tilmaantay mid aan sharci ahayn oo la xiriira keliya adeegsiga xuquuqdeeda aasaasiga ah ee hadalka iyo isu imaatinka nabadeed. Waxay sidoo kale sheegtay in Sacdiya aysan helin qareen isla markaana qoyskeedu uusan helin macluumaad buuxa oo ku saabsan xaaladdeeda.
Amnesty International ayaa sheegtay in tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud sannadkii 2022, ay sii kordheen caburinta saxaafadda, dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha, iyo dadka aragtidooda si nabad ah u cabbira.

