Sunday, January 19, 2025
HomeWararDhuusamareeb Oo laga furay Xarumo lagu dhaqan celiyo Dhalinyarada ka baxda Alshabaab. 

Dhuusamareeb Oo laga furay Xarumo lagu dhaqan celiyo Dhalinyarada ka baxda Alshabaab. 

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka furay xarun loogu tala galay in lagu dhaqan celiyo dagaalyahanada kasoo goosta Al-Shabaab.

Xaruntaan ayaa hirgelinteeda waxaa iska kaashaaday dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Agaasimaha Waaxda Dhaqan celinta Maleeshiyaadka u qaabilsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si wada jir ah u daah furay Xaruntaan.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan  ayaa sheegay xaruntaan ay muhiim u tahay Galmudug, islamarkaana  ay kordheen dhalinyarada isaga baxeysa Al-Shabaab

Waxaa uu sheegay   in aanan horay u jirin Xarumo lagu hayo Dhalinyarada isaga tagta Al-Shabaab ee  soo jeeda Degaanada Maamulkaasi.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe