Guddiga dib u eegista ku sameeyay Dastuurka Galmudug ka dib markii lamideeyay Galmudug iyo Maamulkii hore ee Ahlu-sunna ayaa Maanta Baarlamaanka horgeynaya Dastuurka ay dib u eegista ku sameeyeen.
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa Sheegay in Xildhibaanadda la isku daray ee Galmudug ay Maanta kulan ku leeyihiin Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.
Waxa qorshuhu uu yahay in loo qeybiyo Dastuurka dib u eegista ay ku sameeyeen Xubno ka socda Labadii Baarlamaan ee Galmudug iyo Ahlu Sunna ee halka Magac ku midoobay Maamulka Galmudug.
Xildhibaanada ayaa maanta loo qeybinayaa dastuurka si ay usoo aqriyaan, kadibna kolkooda Berri ay u qaadaan Codka ay ku ogolaanayaan ama ay ku diidayaan.
Sababaha keenay in dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka Galmudug ayaa waxaa ka mid ah in Xubnaha Baarlamaanka Galmudug ay ka kordheen Tirada Dastuurka uu dhigayo tiro intaa ka yar, sidaa awgeedna wax ka badal lagu sameeyay qodobada Qaar ee ku jira Dastuurka.
Mudanayaasha ayaa loo diray Fariinta Ballaminta kulanka Baarlamaanka Galmudug si loogu qeybo Dastuurka, ayna hortagaan guddii gacanta ku hayay dib u eegistiisa.
Maamulka Galmudug ayaa hadda ka kooban labo Baarlamaan oo la isku daray ka dib hishiiskii jabuuti ay ku gaareen maamulkii Hore ee Ahlu-sunna iyo galmudug waxaana taasi ay sababtay in wax ka badal lagu Sameeyo Dastuurka Galmudug si loogu xaddido Tiradda xildhibaanadda uu hadda maamulka ku dhisanyahay.