Wednesday, April 22, 2026
HomeWararGudahaDhismaha Waddo isku xirta Muqdisho Stadiom iyo isgooska Folorensa oo la dhagax...

Dhismaha Waddo isku xirta Muqdisho Stadiom iyo isgooska Folorensa oo la dhagax dhigay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Wadada Maxamuud Xarbi ee Degmada Warta Nabadda, taasi oo isku xerta Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho Stadium iyo Isgoyska Folorensa, taasi oo muddooyinkii ugu danbeeyay aanan helin wax dib-u-dhis ah.

Munaasabada dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda, Odayaasha Deegaanka iyo Bulshada Qeybahooda kala duwan.

Dib-u-dhiska lagu sameenaayo wadadaan Maxamuud Xarbi ee Degmada Warta Nabadda ayaa waxa uu qeyb ka yahay Mashruuca dalkaaga ku dhiso $1 oo uu dib u howlgaliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), taasi oo lagu hormarinaayo Caasimadda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe