Waxaa soo dhaw waqtiga loo qabtay in ciidamada Midowga Afrika ee Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS laga saari lahaa Dalka si loosoo gabagabeeyo howlgalkaan waqti dheeraaday ee soo billowday Maarso 2007dii.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 19kii Janaayo 2007dii go’aamiyay in Ciidamo Afrikaan ah oo aanay ku jirin kuwa safka hore loogu yeero waa Dalalka Deriska la ah in la geeyo Soomaaliya si ay u caawiyaan Dowladdii xiligaas jirtay.
Uganda waa Dalkii ugu horreeyay ee ku haboohay Ciidamada Afrikaanka ah oo waxa ay Soomaaliya soo gaareen iyada oo ay joogaan Ciidankii Itoobiya ee garabka siinayay Dowladdii KMG ahayd ee uu Madaxweynaha Ka ahaa AHUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Magaca AMISOM waxa uu shaqeynayay Maarso 2007 illaa Maarso 2022 oo waa (15 sano), 1dii April 2022 waxaa magacaas loo baddelay Howlgalka Kumeel gaarka ah Midowga Afrika ee ATMIS oo qudhiisa ku siman December 2024.
Ciidanka ATMIS ee Militariga ah ayaa dhowr jeer waxaa laga dhimay tiro katirsan askarta xiran dharka cagaaran ee lagu sumadeeyay AU, haatan askarta diiwaangashan waa 19,000 oo askari sida ku xusan liiska howlgalkaan Midowga Afrika.
Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef ayaa wareysi uu bixiyay ku shaaciyay tirada Ciidanka AU ee Dalka ku sugan iyo qorshaha dhimista Ciidamadaan dhammaadka June oo la saarayo 2,000 oo askari iyo guud ahaan ciidamada oo la qorsheynayo in Soomaaliya ka baxaan dhammaadka December 2024 haddii aanay wax is baddelin.
Maxay qabteen Ciidamada Midowga Afrika?
Ciidamada Midowga Afrika oo garab ka helaya askarta Dowladda ayaa sanadkii 2010 waxaa u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan Magaalada Muqdisho oo qaybo badan oo kamid ah ay ka dagaalamayeen ‘AS’ iyo faracyadii ka aasaasmay Midowgii Maxaakiimta.
Askara Midowga Afrika waxaa u suuragashay in ay ka gudbaan Gobolka Banaadir iyaga oo saldhigtay Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe, halka Gobolka Hiiraan la geeyay Ciidamada Hiil walaal ee Jamhuuriyadda Jabuuti ka socda.
Howlgalka Midowga Afrika ayaa la ballaariyay oo waxaa lagu soo daray waddamada deriska ah sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti oo markii hore mamnuuc ka ahaa, waxaa qiil looga dhigay in aanay laga maarmin maadaama ay deris la yihiin Soomaaliya.
Ciidamada Kenya ayaa saldhigtay DG Jubbaland, halka Askarta Itoobiyaanka ah ay ku sugan yihiin Dowlad-Goboleedyada Jubbaland, Koofur Galbeed & Hir-Shabeelle, Ciidanka Jabuuti ayaa ku kooban DG Hir-Shabeelle oo ay ka joogaan Gobolka Hiiraan.
Imisa qayb ayuu ka kooban yahay Howlgalka Midowga Afrika?
Howlgalka Midowga Afrika waxa uu ka kooban yahay 6 waax oo mid weliba uu hoggaaminayo sarkaal u dhashay Dal kamid ah kuwa ku yaboohay Ciidamadaan fasaxa iyo taageerada ka heysta AU & Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Qaybta 1aad (Sector 1): waa taliska ugu ballaaran uguna howsha badan ee Askarta Midowga Afrika, waxa uu ka howlgalaa Banaadir iyo Shabeelaha Hoose waxaana si gaar ah uu u hoostagaa ciidanka Uganda.
Qaybta 2aad (Sector 2): Ciidanka Difaaca Kenya waxa uu taliskaan ugu weyn ku leeyihiin Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose, waxa uu si gaar ah u qaabilsan yahay howlgallada Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee DG Jubbaland.
Qaybta 3aad (Sector 3): Taliskaan waxaa hoggaamiyaha Ciidanka Itoobiya oo waxa uu xooggiisa saaran yahay Gobollada Bay, Bakool & Gedo oo ka kala tirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo Jubbaland.
Qaybta 4aad (Sector 4): Saldhigga ugu weyn qaybtaan bartamaha Soomaaliya, Ciidanka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Hiil walaal ayaa mas’uul ka ah oo waxa uu Midowga Afrika u qaabilsan yahay Gobollada Hiiraan & Galgaduud oo kala ah Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug.
Qaybta 5aad (Sector 5): Ciidamada Burundi oo ah Ciidankii labaad ee Howlgalka AU u yimid Soomaaliya ayaa taliskaan maamula, waxa uu mas’uul ka yahay Gobolka Shabeelaha Dhexe, taliska ugu weyn waa Magaalada Jowhar xarunta DG Hir-Shabeelle.
Qaybta 6aad (Sector 6): Qaybtaan waa mid si gaar ah uga shaqeysa meelo kala duwan, waxaana howshaan iska kaashada Ciidamada Itoobiya ENDF & Kuwa Difaaca Kenya ee KDF iyaga oo wadashaqeyn weyn ka dhaxeysa.
Midowga Afrika ayaa damacsan in uu soo xigo qaybahaas kala duwan ee Howlgalkiisa Soomaaliya si Ciidanka Soomaalidu loogu aamino mas’uuliyadda nabadgalyada Dalkooda ula wareegaan lagala shaqeeyo kahor December 2024 sida hadalka loo dhigay.
Kumanaan ciidan oo katirsan Midowga Afrika ayaa lagu dilay Soomaaliya, boqolaal kale waa ay dhaawacmeen tan iyo markii ay Dalka soo galeen horraantii sanadkii 2007dii, Dowladda Federaalka iyo Madaxda ATMIS waxa ay kawada xaajoodeen qorshaha bixitaanka ciidankaan.
Dowladda Federaalka ayaa sanadihii u dambeeyay waxa ay tababar siineysay ciidamo cusub kuwaas oo qayb ka noqday howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee Dalka ka socda, waxa ay ciidankaas isbaddel ku keeneen amniga Magaalada Muqdisho.
Waxaa indhaha lagu wada hayaa howlgallada Ciidamada Dowladda Federaalka oo Dadka deegaanka kaashanaya ay ku qabsadeen Magaalooyin muhiim ah oo muddo ay joogeen ‘AS’ iyada oo aanay wax garab ah ka helin Ciidamada Midowga Afrika ee dhaqaalaha badan lagu bixiyo.
Midowga Afrika ayaa horay u dejiyay qorshe lagu taageerayo Ciidamada Soomaalida oo ah in la dhimo Askarta Militariga ah oo waxaa baddelkooda la kordhinayaa kuwa Booliiska ah ee la shaqeynaya Ciidamada Ammaanka si ay u gacansiiyaan.
Dowladda Federaalka iyo Midowga Afrika ayaa ku ballamay in kahor inta aan la saarin Ciidamada Afrikaanka ah ee ATMIS in la qaado howlgal wadajir ah oo ‘AS’ looga qabsanayo deegaannada ay weli joogaan.
Tallaabada xigta waa in Ciidamada Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada hoostaga Dowladda iyo Dadka Deegaanka la qiimeeyo sida ay uwada shaqeynayaan isla markaana isaga kaashanayaan sugidda amniga deegaannada la qabtay.

