Dagaalo culus oo u dhexeeya laba beelood oo wada dega degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa galay maalintii saddexaad, iyadoo dagaalladu ay weli ka socdaan qaybo ka mid ah degmada Jalalaqsi.
ugu yaraan 10 qof oo rayid iyo dhinacyada dagaallamaya isugu jira ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.
Dhinacyada Dagaalamay ayaa isku adeegsanaya hub culus, waxaana sidoo kale dab la qabadsiiyay guryo ku yaalla degmada Jalalaqsi, taas oo sii kordhisay khasaaraha iyo qatarta ka dhalan karta colaadda.
Dagaaladaan ayaa saameyn xooggan ku yeeshay nolosha shacabka degmada, iyadoo qoysas badan ay ka barakaceen guryahooda, halka kuwa kalena ay wajahayaan xaalado amni iyo bani’aadannimo oo adag.
Odayaasha dhaqanka, maamulka degmada iyo bulshada rayidka ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada, laguna dadaalo xal nabadeed oo lagu soo afjaro colaadda, si looga hortago khasaare hor leh oo soo gaara Dadka rayidka ah.
Xaaladda degmada Jalalaqsi ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in khasaaraha uu sii kordho haddii aan la helin dadaallo lagu xakameynayo colaadda.

