Home Dhageysi Dhageyso:Wararkii Udanbeeyay Ee Dagaalka Waajid Iyo Shabaab oo Askar Looga Dilay

Dhageyso:Wararkii Udanbeeyay Ee Dagaalka Waajid Iyo Shabaab oo Askar Looga Dilay

586

Weerar  Labo Jiho Ahaa Kuna Bilooday Qaraxyo Iyo gantaalaha garbaha laga tuuro ee baasuukaha Ayaa Alshabaab Ku Qaadeen Xaly Fiidkii Xero Ciidamada Dowlada Somaliya Ay Ku Leeyihiin Duleedka Dagmada Waajid Ee Gobolka Bakool.

Waxaana Dagaalkaasi uu socday Mudo Ku Dhawaad Saacad Ah Sida Ay Xaqiijiyeen Ilo Deegaanka Ah Ciidmada Itoobiya Ee Qeebta Ka Ah Howlgalka Midowga Africa Ee Amison Ayaa Lasheegay In Ay Usoo Gurmadeen Cidamada Somaliya Dabadeedna Ay Iska Caabiyeen Alshabaabkii Weerarka Ku sooqaaday.

Gudomiayaha Dagmada Waajid Ee Gobolka Bakol cabdulaahi Aadan Sangar Yariisow Ayaa Maanta Mar uu Warbaahinta Kula Hadlay Waajid Waxaa uu sheegay in Alshabaab Dagaalkii Xay Looga Dilay ilaa Lix Askari Islamarkaasna Dhaawacyadii Ay Lacarareen Sida uu Hadalka U Dhigay Waxaan uu intaasi Raaciyay In Howgalka Ay Maanta Bilaabeen Ciidamada Dowladu uu Yahay Mid Siisocondoona Islamarkaasna Ay Gaareen Ciidmada Maanta Deegaano Saldhig u Ahaa Shabaab

Marka Laga sootago Hadalka Kasoo Yeeraya Maamulka Damada Waajid Majiro Wax War Ah oo Kasoo Baxay Dhinaca Shabaab Ee Ku Adan Dagaalka Waajid Xalay Kadhacay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay intaba

Halkaan Ka Dhageyso Codka Gudomiyaha