Saturday, March 22, 2025
HomeDhageysiDHAGEYSO:-Xisbiyada Kulmiye Iyo Ucid Oo Go'aan Ka gaaray Doorashooyinka Soomaliland

DHAGEYSO:-Xisbiyada Kulmiye Iyo Ucid Oo Go’aan Ka gaaray Doorashooyinka Soomaliland

Xisbiyada Kulmiye Iyo Ucid Ee Soomaaliland Ayaa War Ay Soo Saareen Ku Sheegay In Ay Heshiis Ka Gaareen Xilliga Ay Dhaceyso Doorashooyinka Maamulka Soomaaliland.

Ka Dib Kulan Ay Magaalada hargeysa Ku Yeesheen Mas’uuliyiin Ka Tirsan Labada Xisbi Ayey Ku Go’aamiyeen In Doorashada Golaha Wakiilada Iyo Tan Guurtida Soomaliland La Qabto Bisha November Ee Sanadkan.

Sidoo Kale Waxa Ay Tilmaameen In Doorashada Ay qabanayaan Guddiga Doorashada Ee hadda Jira.

Kulanka Markoo Soo Idlaaday Waxaa Saxaafadda Wadajir ula Hadlay Xog-hayaha Xisbiga Ucid Iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Xisbiga Kulmiye Waxaana Faah-Faahin Ka bixiyeen Waxyaabihii Kulanka Kasoo Baxay.

Tan Iyo Markii La Doortay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Waxaa Jiray Dood Ay Qabeen Axsaabta Mucaaradka Ah Ee Soomaaliland kuwaas Oo Diidanaa Guddiga Doorashada Soomaaliland Inkastoo Go’aanka Laga Gaaray Doorashooyinka Soomaaliland uusan Qayb Ka Aheyn Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani.

Hoos Ka Dhageyso Codka Oo Dhameystiran:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe