Home Dhageysi Dhageyso:-Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamanka Soomaaliya Oo Sheegay In Laga Been Abuurtay Magacyadooda

Dhageyso:-Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamanka Soomaaliya Oo Sheegay In Laga Been Abuurtay Magacyadooda

375

Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir, Idirs Cabdi Dhaqtar iyo Huda Axmed Cali katirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in laga been abuurtay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanadaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Magacayadooda lagu saxiixay warqadda Mooshin gudbiyaasha, si tirada loogu badsado sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa ay shaaciyeen in aysan ku jiran Mooshinka, sabab ay xiligaan u keenaan Mooshin aan u muuqan, iyagane ay barri ka yihiin.

Xildhibaan Huda ayaa dalbatay in la joojiyo Xildhibaanada Magacyadooda la qoranaya iyaga oo aan ku jirin ama aan wax ka ogeyn Mooshinada iyo Siyaasadaha iska soo horjeeda.

Waxaa jira Xildhibaano kale oo Saacadihii lasoo dhaafay iyanne sheegay in aan ku jirin Liiska Mudanayaasha Mooshinka ku saxiixan.

Xildhibaanada ayaa horay ugu kala qaybsamay Mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiyihii Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, khilaafka ayaa sababay in Kulamo badan uu qabsoomi waayo.

 

Hoos Ka Dhageyso Codadka Xildhibaanada Oo Dhameystiran:-