Friday, February 14, 2025
HomeDhageysiDhageyso:- Wax-garadka Balad-xaawo Oo Soo dhaweeyey Wada-hadalka Hoggaamiyaasha Soomaaliya Iyo Kenya

Dhageyso:- Wax-garadka Balad-xaawo Oo Soo dhaweeyey Wada-hadalka Hoggaamiyaasha Soomaaliya Iyo Kenya

Magaalada Nairobi Ee Caasimadda Wadanka Kenya Waxaa Ku Sugan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Ah Ee Soomaaliya Iyo Wefdi Uu Hoggaaminayo Oo maalinadii shalay Halkaasi Gaaray.

Madaxweyne farmaajo Waxaa Uu kulan Gaar ah La qaatay Dhiggiisa Dalka Kenya uhura Kenyatta waxa ayna Ka wada hadleyn Arrimo Ay ka Mid Yihiin Muranka Ka Taagan Xadka labada Dal Ay Wadaagaan Iyagoona Guddi Arrinkaasi U Saaray Kaas Oo Uu Qorshuhu yahay In Uu Soo Baaro xaqiiqda Meesha Ka Jirta.

Guddigaan Ay Labada madaxweyne U Magacaabeyn Muranka xadka Labada Wadan ayaa Waxa Soo dhaweeyey Qaar ka Mid Ah Wax-garadka Ku Dhaqan magaalada balad-xaawo Ee Gobolka Gedo.

Nabadoon Idriis Aadan Oo Ka Mid Ah Nabadoonada Blaad-xaawo Ahna sidoo kale Afhayeenka Golaha Guurtida degmdaasi Oo la hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee cadaado ayaa waxa Tallaabadaasi Soo dhaweeyey Kuna Tilmaamay Guul Ay Gaareen Madaxda Labada Wadan.

Muranka Ku Saabsan Xadka Labada dal Ay Wadagaan Ayaa Muddo Soo jitamaayey Iyadoona Ciidamadda Dawladda dalka Kenya Ay Horay Xoog UAdeegsadeen Shacabka Ku Dhaqan Magaalada balad-xawa halkaasna Ay darbi Ka Billaabeen Inkastoo dhismaha darbigaasi Markii dambe lagu Joojiyey Wada-hadal Ay Yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Dhiggiisa Dalka Kenya.

Hoos ka dhageyso Codka Nabadoon Idriis Aadan Oo la hadlay Codka Gobollada Dhexe:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe