inta la Xaqiijiyey 4 Nabadoon Ayaa Ku Dhaawacantay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Qaybo Ka Mid Ah Gobolka Gal-Gaduud Gaar Ahaana Inta U Dhaxeysa Degmooyinka Guriceel Iyo Balan-Bale Ee Gobolka Gal-Gaduud.
wax-Garadkaan Ayaa Ka Amba-baxay Degmada Guriceel Waxa Ayna Kusii Jeedeen Degmada Balan-Bale Ee Isla Gobolka Gal-Gaduud.
U Jeedka Socdaalka Nabadoonadaan Ayaa Ahaa In Ay Balan-bale Kaga Qayb Galaan Gogol Nabadeed Oo Lagu Dhameynayey Dagaal Beeleed Dhawaan Ka Dhacay Galbeedka Degmada Balan-bale Ee Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud.
Shilka Ayaa Si Gaar Ah Waxa Uu Uga Dhacay Deegaanka Oodaale Oo 18 KM dhinaca Koonfur Galbeed kaga Beegan Degmada Balan-bale Sida Uu Codka Gobollada Dhexe U Sheegay Madaxa Arrimaha Bulshada Balan-bale Saalax Cabdulle Aaden.
Magacyada Nabadoona Ay Waxyeeladu Soo Gaartay Ayuu Sheegay In Ay Ka Mid Yihiin Nabadoon Maxamed Aaden Rooble (Xood), Nabadoon Cumar Sheekh Cabdi Waaxid Iyo Kuwa Kale Oo La Socday Gaariga.
Waxa Uu Tilmaamay In Dhaawacooda Loo Qaaday Degmada Guriceel Ee Gobolka Gal-Gaduud Oo Halkaasi lagu Dabiibayo.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Madaxa Arrimaha Bulshada Balan-bale Saalax Cabdulle Aaden:-

