Tuesday, January 13, 2026
HomeDhageysiDhageyso:- Ciidamada Itoobiya Oo Shacab Ku Xasuuqay Baardheere

Dhageyso:- Ciidamada Itoobiya Oo Shacab Ku Xasuuqay Baardheere

Ciidamada Nabad Ilaalinta Midawga Africa Ee Amisom Gaar Ahaana Kuwa Itoobiya Ayaa Maanta dad Shacab Ah Waxa Ay Ku Xasuuqeen Gudaha Magaalada Baardheere Ee Gobolka Gedo.

Ciidamada Ayaa La Sheegay In Toogteen Illaa Iyo Afar Ruux Oo Ka Mid Ah Dadka Maanta Banaanbax Ka Dhigayey Gudaha Magaalada Baardheere Ee Gobolka Gedo.

Dadkaan Banaanbaxayey Ayaa La Sheegay In Ay Diidanaayeen Maamul Cusub Oo Uu Madaxweynaha Jubbaland Usoo Magacaabay Degmada Bardheere Ee Gobolka Gedo.Gaashaanle Cali Yacquub Nuur Oo ka Mid Ah Saraakiisha Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka Ee Ku Sugan Baardheere Isla-markaana La Hadlayey Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado Ayaa Axmed Madoobe Ku eedeeyey In Uu Afduub Ku Heysto Shacabka Ku Dhaqan Degmada Baardheere.

Sidoo Kale Gaashaanlaha Ayaa Tilmaamay In Ciidamada Itoobiya Ay Ka Baxsadeen Goobta Ay Dilka Ka Geysteen.

Dawladda Faderaalka Ah Ee Soomaaliya Ayuu Xusay In Ay Wax ka Ogtahay Qorshahaan Lagu Xasuuqay Baardheere Waa Haddii Aysan Jawaab Ka Bixin Sida Uu Sheegay Gaashaanlaha.

 

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gaashaanle Cali Yacquub Nuur:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe