Marwa Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Wasaaradda Dhalin-yarada Iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya Oo Khudbad Ka Jeedineysay Shir Weynaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Ayaa Ka Hadashay Arrimo Dhawr Ah Oo Ay Ka Mid Yihiin Falalkii Ugu Dambeeyey Ee Ka Dhacay Soomaaliya.
Wasiir Khadiija Waxa Ay Si Gaar Ah Uga Hadashay Kiiskii Dilka Ahaa Ee Deegaanka Xawaadley Loogu Geystay Wiilkii 7-Jirka Ahaa Ee Hilibka Kasoo Cunay Xuska Ayeydiis Kaas Oo Uu Dilay Aabihii Oo Ka Tirsanaa Koox Diimeedka Takfiir.
Sidoo Kale Khadiija Max’ee Diiriye Waxa Ay Soo Hadal Qaaday Kiisaskii Kufsiga Ahaa Ee Dhawaan Ka Dhawacay Qaar Ka Mid Ah Gobollada Dalka Waxa Ayna Culiomada Soomaaliyeed Ku Dhaliishay Wax Ka Qabashada Dhacdooyinkaasi Naxdinta Leh.
Waxa Ay Tilmaantay In Culimo Awdiinka Aysan Marnaba Ka Hadlin Kiisaskas Oo Dhan Balse Haddii Gabar Kubad Cayaarto Ama Bandhig Faneed Qabaneyso Ay Afka Furanayaan Culimada Taasna Ay Tahay Wax Laga Wanaagsan Yahay.
Hadalkan Ayey Wasiirka Khadiija Ka Sheegtay Shir-weynaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Oo Muqdisho Ka Qabsoomay Waxa Uuna Hadalka Wasiiradda Imaanayaa Iyadoo Qaybo badan Oo ka Mid Ah Dalka Kusoo Badanayeen Kiiska Naxdinta Iyo arga-Gax Xambaarsan Ee Isugu Jira Dilka Iyo Kufsiga Saqiirada Kuwaas Oo U Baahan Caddaalad.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiiradda:-

