Thursday, January 16, 2025
HomeDhageysiDhageyso:-Wasiir C/raxmaan:-Sanadkaan Imtixaanka Dawladda Waxaa U Fariisanaya 27,600 Oo Ardey

Dhageyso:-Wasiir C/raxmaan:-Sanadkaan Imtixaanka Dawladda Waxaa U Fariisanaya 27,600 Oo Ardey

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya C/raxmaan Dahir Cismaan Ayaa Waxa Uu Sheegay In Sanadkaan Imtixaanka Dawladda Ay U fariisan doonaan Ardey Gaareysaa Illaa Iyo 27,600 Oo ardey Kuwaas Oo ku galaya Dhamaan Degmooyinka Maamullada dalka.

Wasiirka Waxa Uu Sidoo kale tilmaamay In Dib Loo dhigay Imtixaan ay geli Lahaayeen 1,400 Oo ardey Sababa La Xariira Fatahaadaha Webiga Shabeelle Uu ka Sameeyey Deegaano Ka Tirsan Kuwa maamulka Hir-shabeelle, Waxa Uuna Tilmaamay In Ardeydaasi ay imtixaanka Ku gali Lahaayeen Magaalada Baladweyne Ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Sidoo Kale C/raxman Daahir cismaan Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa Waxa Uu tilmaamay In Dib U Dhaca Ku Yimid imtixaanka Ay Geli Lahaayeen 1,400 Ee Ardey Aysan Wax-saameyn Ah Ku yeelan Doonin Deeqaha Dawladda Isla-markaana Ay Imtixaanka ay Geli Doonaan Marka Ay fatahaaduhu Yaraadaan.

Halkaan Ka Dhageyso Codka Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe