Wararka nagasoo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Askari horay ugasoo goystay Al-Shabaab,dhawaana isku-soo dhiibay ciidamada Maamulka Jubbaland uu geystay fal dila ah.
Qaar Ka Mid Ah Sarakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Ee Ku Sugan Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo Oo La Hadlay Codka Gobollada Dhexe Ayaa Waxa Uu Sheegay In Askariga Dilka Geystay Uu Muddo Bil Ka Hor Ah Isku Soo Dhiibay Ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubbaland..
Cali Yacquub Nuur Oo Ka Mid Ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baardheere Ee Gobolka Gedo Ayaa Waxa Uu Tilmaamay In Uu Dilku Dhacay Salaadii Subax Ka Dib Ee Saaka Isagoona Intaa Ku Daray In Dilku Uu Ka Dhacay Degmada Doolow.
Sidoo Kale Sarkaalkan ayaa Waxa Uu carrabka Ku Dhuftay In Askarigaasi Oo Dib Ugu Laabtay Kooxda Al-shabaab Oo Uu Markii Hore Kasoo goostay.
Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland ayuu Ku eedeeyey In Isaga Oo Hubsan UuNinkaas Qori U Dhiibay Waxa Uuna Ku Eedeyey wasiirka In Ay Isku Beel Yihiin Ninkan al-shabaab Kasoo Goostay Oo Saaka Dilka Geystay.
Marka Laga Yimaado Hadalka Sarkaalkan Ma Jiro Wax War Ah Oo Kasoo Baxay Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland Oo Ku Aadan dilkan Loo geystay Askariga Ka Tirsan Ciidamada maamulka Jubbaland..
Halkaan ka Dhageyso Codka Sarkaalka;-
https://holistickenko.com/revitalizing-immune-boosting-beet-smoothie/
https://holistickenko.com/revitalizing-immune-boosting-beet-smoothie/