Thursday, February 13, 2025
HomeDhageysiDHAGEYSO:- Wasaaradda Waxbarshada Soomaaliya Oo Hambalyo U Dirtay Macallimiinta Soomaaliyeed

DHAGEYSO:- Wasaaradda Waxbarshada Soomaaliya Oo Hambalyo U Dirtay Macallimiinta Soomaaliyeed

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa maanta lagu qabtay munaasabad loogu dabbaal degayo maalinta macalinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka November.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, gudoomiyaha arimaha bulshada baarlamaanka xildhibaan Cali jowhar gudoomiye ku xigeenka jaamacadda Ummadda la taliyaha wasaaradda agaasimayaal, madaxa imtixaanaadka dowladda soomaliyamacalimiin iyo marti  sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabadda.

Gudoomiyaha arimaha bulshada baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Cali jowhar ayaa hambalyo u diray macalimiinta Somaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaana u sheegay in duruufo adag ay ku soo shaqeeyaan.

Wasiiro doowlaha wasaarada waxbarashada XFS,Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabir) ayaa bogaadiyay howsha ay qabteen macalimiinta Soomaaliyeed intii lagu guda jiray burburka isagoo sheegay in maanta ay tahay maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed islamarkana hadii uusan jirin macalin, horumar aan la gaari laheyn.

“Maanta waa maalin weyn ,waa maalin Ummadda Soomaaliyeed magac iyo maamuus u leh waa maalintii macalinka Soomaaliyeed ma jirto maalin ka haboon oo in loo dabbaal dego, waxaan hambalyo u diraya, macalimiinta Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogan”ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle.

“Hadii uusan macalin jiri laheyn horumarka aan maanta aan gaarnay ma gaari laheyn, waxaan rabaa in aan si gaar ah ugu mahad celiyo macalimiinta Soomaaliyeed ee xiligii aan burburka ku jirnay dhiigooda iyo waqtigooda u huray in ay waxbaraaan arday Soomaaliyeed oo duruufo gaar ah ku jira waxaan leeyahay aad  ayaad u mahadsantihiin, ka wasaarad ahaan ma iloobi doono in aan idiin mahadcelino marna kama daali doono in aan sheegno daruuftii adkeyd ee aad ku soo shaqeyseen”ayuu yiri Mudane Jaabir.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle  ayaa ballan qaaday in ka wasaarad ahaan ay  soo celin doonaan sharaftii iyo karaamadii macalimiinta Soomaaliyeed.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiiru Dawlaha:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe