Friday, February 14, 2025
HomeDhageysiDhageyso:- Wasaaradda War-faafinta DFS Oo Ka Hadashay Heshiiskii Dawladaha Soomaaliya Iyo Itoobiya

Dhageyso:- Wasaaradda War-faafinta DFS Oo Ka Hadashay Heshiiskii Dawladaha Soomaaliya Iyo Itoobiya

Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay dhawaan kala saxiixdeen kaas oo shaki farabadan ku abuuray Siyaasiyiin iyo Shacabka Soomaaliyeed intaba.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo shir jaraa’id Warbaahinta ku qabtay Muqdisho ayaa ka jawaabay halo la isla dhexmarayay kaas oo ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya,isla markaana ahaa in Soomaliya iyo itoobiya ay noqonayaan dad mid ah.

Waxa uu sheegayWasiirka in hadalka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya sikale loo dhigay,isla markaana ujeedkiisu uu yahay in la noqdo labada dal oo iskaashaneysa oo mid ah,isla markaana wax wada qeybsada lakin uusan aheyn mid Soomaaliya iyo Itoobiya ay hal dal wada noqonayaan.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday nuxurka heshiiskii Sabtidii Muqdisho ku wada saxiixdeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya kaas oo qeyb ka ahaa in dowladda Itoobiya ay maalgashato 4 ka mid ah dekadaha Soomaaliya balse uu sheegay in dekadahaas ay dowladda Soomaaliya ay go’aan ka gaari doonto,isla markaana Magacyada dekadahaas ay dowladda dib ka faah faahin doonto.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe