Home Dhageysi Dhageyso:- Wasaaradda Amniga Jubbaland Oo baaq u Dirtay Shacabka Gedo

Dhageyso:- Wasaaradda Amniga Jubbaland Oo baaq u Dirtay Shacabka Gedo

291

wasiiru dawlaha Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland maxamed cabdi kaliil ayaa ugu baaqay shacabka gobalka gedo in ay ka shaqeeyaan amniga isagoo Sidoo Kale  Weerar Dhanka Afka  ah ku qaaday ururka alshabaab.

Wasiirka Ayaa Dhamaan Shacabka Ku Dhaqan Deeganada Maamulka Jubbaland Gaar Ahaana Gobolka Gedo Waxa Uu Ka Dalbaday In Ay Si Dhaw ula Shaqeeyaan Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland Si Buu Yiri Looga Guuleysto Dagaalka Lagula Jiro Kooxda Al-shabaab.

Waxa Uu Tusaale Usoo Qaatay Sida Ay AL-Shabaab shacabka U Leynayaan Dilalkii U Dambeeyey Oo Ay Al-shabaab Ka Fuliyeen Qaar Ka Mid Ah Deeganada gobolka Gedo Gaar Ahaana Dilkii U Dambeeyey Oo Mid Ka Mid Ahaa Nabadoonada Ugu Caansan Gedo Loogu Geystay Tuulada Daabley Oo Hoos Tagta Degmada garba-haarey Ee Xarunta Gobolka Gedo.

Dhanka Kale Maxamed Cabdi kaliil Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland Ayaa Waxa Uu Weerar Dhanka Afka Ah Ku Qaaday Ururka Al-shabaab Isaga Oo Sheegay In Hadda Awoodoodii Ay Kusoo Aruurtay In Dhumaalleysi Ku Dilaan Wax-garadka Iyo Dadka Maatada Ah.

Ugu Dambeyntii Ayuu Sheegay in Ciidamada darwaashiista  MaamulkaJubbaland Oo Kaashanaya Kuwa Xoogga Dalka Ay Diyaar U Yihiin In Guud Ahaan Deeganada Jubbaland Ay Ka Saaran Kooxda Al-shabaab.

Si Kastaba Maalmo Ka Hor Ayey Ka Dib Markii Taliska Ciidanka Jubbaland Uu Ku Dhawaaqay In Ay Qaadi Doonaan Hawl-gallo Ballaaran Oo Ka Dhan Ah Al-shabaab Iyadoona Hawl-galladaas Ay Wax Ka Fulinayaan Ciidamada Xoogga Dalka Ee Ku Sugan Deeganada Maamulka Jubbaland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiiru dawlaha Amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil:-