Wararka Ka imaanaya Degmada Camaara Ee Gobolka Mudug Ayaa Waxa Ay Sheegayaan In degmadaasi Uu Isku Dilay Nin Dhalin-yaro Ah Oo ka Mid Ahaa Dadka deegaanka.
Bashiir C/qaadair Oo Ah Adeerka Dhintay Allah Ha U Naxariistee Ayaa Codka Gobollada Dhexe Waxa Uu Kaga war-bixiyey Qaabka Uu dhacay Dilka Wiilkaan dhalin-yarada Ah.
Bashiir waxa Uu Sheegay In Shalay Abaara 07:00 subaxnimo Uu Qol Isku Soo Xiray Intaas Ka Dibna Uu Qolka Isku Soo xiray Halkaasna Uu Isku dilay.
Waxa Uu Tilmaamay In Shalay illaa Iyo Xalay La Baadigoobayey balse Ugu Dambeyntii Xalay laga Helay Gurigii Uu Isku dilay Waxa uuna Intaa Ku daray In Uu Xariga Isku Dilay Isaga Oo Meyd Ahna Laga Soo Dul-qaaday sariir taalay Guriga Gudihiisa.
Sababta Ugu Badan Oo looga Shakisan yahay Dilka Marxuumkaan Ayuu bashiir Waxa Uu Ku Sheegay Sababa La xariira Dhaqaalo yari Oo Muddooyionkii dambe Uu hadal Hayey Sidiii uu u Maareyn Lahaa Nolosha Qoyskiisa.
Marxuumka Geeriyooday Ayaa Ka tagay xaas Iyo caruur Kuwaas Oo sida Uu Sheegay Bashiir C/qaadir Ku kala nool Magaalooyinka Cadaado Iyo Camaara Ee gobolka Mudug.
Hoos Ka dhageyso Marxuumka Adeerkii Bashiir C/qaadir Oo Ka War-bixinaya Sida Ay Wax U Dhaceyn:-