Sunday, December 7, 2025
HomeDhageysiDHAGEYSO:- Wadayaasha Mooto Bajaajta Cadaado Oo Ka Jawaabay Eedeymo Loo Soo Jeediyey

DHAGEYSO:- Wadayaasha Mooto Bajaajta Cadaado Oo Ka Jawaabay Eedeymo Loo Soo Jeediyey

Xilli Maalmihii Dambe Soo Baxayeen Warar Sheegaya In Xilliyada Qaar Gaar Ahaana Waqtiyada Habeenkii Ah Haweenka Degmada Cadaado Ay Dhibaato Kala Kulmaan Wadayaasha Gaadiidka Booto Bajaajta Ayaa Arrinkaasi Waxaa Ka Hadlay Qaar ka Mid Ah Wadayaasha Mooto Bajaajta Ee Cadaado.

Wadayaashan Waxa Ay Iska Fogeeyeen Wararka Sheegaya In Haweenka Degmada Xilliyada Habeenkii Ah Ay Dhibaatooyi n Kala Kulmaan Dhalin-yarada Ku Shaqeynsata Gaadiidka Mooto Bajaajta.

Waxa Ay Sheegeen In Wararkan Kaliya Ay Ka Maqleen Magaalada Balse Aysan Xaqiiqo U Heyn Isla-Markaana Aysan La Kulmin Cid Dhibaato Loogu Geystay Gaadiidkan Mooto Bajaajta Waxa Ayna Intaa Ku Dareen In Arinkaas Uu Saameyn Ku Yeelan Karo.

Dhinaca Kale Wadayashaan Mooto Bajaajta Oo Hadalkooda Sii Wata Ayaa Tilmaamay In Arrinkaas Uu Ku Yeelan karo Saameyn Taban Oo ay Inta Badan Kala Kulmaan Caruurta Iyo Haweenka Ku Dhaqan Gudaha Degmada.

Waxa Ay Carrabka Ku Dhufteen In Ay Yaraatay Aaminaadii Ay Shacabku Ku Qabeen Wadayaasha Gaadiidka Mooto Bajaajta Iyagoo Intaa Ku Daray In Mararka Qaar Ay Shaqo La’aan La Kulmaan.

Hadalkaan kasoo Baxay Qaar Ka Mid Wadayaasha Gaadiidka Mooto Majaajta Cadaado ayaa Waxa Uu imaanayaa Iyadoo Maalmihii Dambe Lagu Eedeynayey In Ay Ku Wax-Yeeleeyaan Haweenka Ku Dhaqan Gudaha Degmada Kuwaas Oo Inta Badan Isticmaala Gaadiidkan.

 

Hoos Ka Dhageyso Codadka Wadayaasha Gaadiidka Mooto Bajaajta Cadaado:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe