Ciidanka Amaanka Dawladda Faderaalka Ah Ee Soomaaliya Gaar Ahaana Kuwa Booliska Ayaa Saaka Aroortii Hore Waxa Ay Hawl-gallo Ka Bilaabeen Qaar Ka Mid Ah Xaafadaha Degmada Hodan Ee Gobolka Banaadir.
Xaafadaha Ay Sida Gaarka Ah Ciidamadu hawl-galka UgaSameynayaan Ayaa Ah Xaafada Al-baraka, Suuqa Caanaha Iyo Sidoo kale Suuqa Qudaarta Ee Degmada Hodan.
Qaar Ka Mid Ah Saxafiyiinta Ku Sugan Gudaha Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho Ayaa Codka Gobollada Dhexe U Sheegay In Ilaa Iyo hadda Uu Hawl-galku Socdo.
Waxa Ay Tilmaameen Intii Hawl-galku Socday In Ciidamadu Kusoo Qabteen Dad Badan Inkastoo Ilaa Iyo Hadda Aan Rasmiyan loo Ogeyn Waxa Ay Dadkaas Hawl-galka Lagu Soo Qabtay Ay Yihiin Waxaana Sidaas Codka Gobollada Dhexe U Sheegay Aweys Bashiir Cabdiraxman Oo Ka Mid Ah saxafiyiinta Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Codka Saxafiga:-

