Waxaa 20-kii Bishaan Xabsiga Lootaxabaay Nuur ismaaciil shiiq Oo Kamida Wariyaasha Soomaaliyeed Ee Kahawl Gala Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka ayadoona aan Ilaa iyo Hada La,ogayn Sababta Kadambaysa Xarigiisa.
Shir Jaraaid oo Maanta Magaalada Muqdisho ay Kuqabteen Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa Waxa ay Cambaareeyeen Xariga Loogaystay Wariyaha.
Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Maxamed ibraahim Macalimow ayaa Waxa uu sheegay in Caburin Lagu hayo Suxufiyiinta Soomaaliyeed taasi ay Qayb Katahay Dhibaatooyinka Haysta Xiligaan Suxufiyiinta.
Dhanka Kale Maxamed Ibraahim Macalimow Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Ayaa Waxa uu Tilmaamay in Xukuumada Ra,iisul Wasaare Xasan Cali Khayre inay Tahay Xukuumadii ugu Xumed Saxaafa Ee Abid Soomarta Dalka Soomaaliya Waxa uuna Xusay inay Jiraan Wariyaal han Jabaado ay Kagayimaadaan Xaafiisaka Raysal Wasaaraha iyo Kuwa Lasiiyo Laaluush si aysan Xaqiiqada itabin Waasida Uu Hadalka u dhigay.
Halkaan Kadhageyso Codka