Weerar Qaraxyo Kubilawday aya saaka Lagu Qaaday Xarun uu Daganaa C/wali shiiq Cilmi yarre oo Kutaalay Koonfurta Magaalasda Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug.
Weerarka Lalabeegsaday Hoyga uu Daganaa C/wali shiiq Cilmiyarre oo Sida Lasheegay uu Isaga Bartimaameedka ahaa ayaa Kubilawday Qarax loo adeegsaday Gaari Kadibna Waxaa Gudaha uga lay Qaar kamida Ragii Weerarka Sooqaaday Sida ay Xaqiijiyeen Qaar Kamida Saraakiisha Gobolka Mudug.
Weerarka ayaa Waxaa Kudhintay Kudhawaad 20-Ruux oo uu Kujiro XCabdi Wali Shiiq Cilmi yarre Caruur uu dhalay iyo Qaarkamida Xertiisa Oo Kusugnaa Gudaha Hoyga Weerarka Lagu Qaaday.
Taliyaha Ciidanka Danab Ee Galmudug C/Casiis Qooje Dagaari Oo Kulahadlay Warbaahinta Magaalada gaalkacyo ay sheegay in ay Dileen 4-Ruux Oo sooqaaday Weerarka Laga Dilay Kudhawaad 20-ka ruux Ee Kadhacay Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug.
Sidookale Taliyaha ayaa Xusay in Weerarka ay Dad Shacaba Qasaare Kasoogaareen.
Al-shabaab ayaa Sheegtay Weerarka Lagu Qaaday Hoyga uu C/wali Shiiq Cilmi yarre  Kadaganaa Magaalada Gaalkacyo Waxa ayna Sheegeen inay Kudileen C/wali Shiiq Cimi yarre.
.