Guddoomye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax ayaa sheegay in Ciidanka amaanka ay gacanta ku dhigeen Askari dil u geystay Gabar lagu magacaabayay Safiya C/Raxmaan Maxamuud.
Tuulax oo booqday qoyska Gabadha ayaa uga tacsiyeeyay geerideeda,waxa uu intaas ku daray in Askariga ay soo qabteen caddaaladdana marsiin doonaan.
Tuulax ayaa dhinaca kale sheegay in Hooyada dhashay Safiya oo xanuunsan uu Maamulka Gobolka ka caawin doono daweynteeda.
Askarigan ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gabadha ku dilay xaafadda Buulo Xuubey ee Degmada Wadajir markii uu rasaas ku furay Mooto Bajaaj ay la socotay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye Tuulax:-