Tuesday, July 15, 2025
HomeDhageysiDhageyso:- Soomaaliland Oo Ka Jawaabtay Hadallo Kasoo Yeeray Mas'uuliyiin Ka Tirsan Puntland

Dhageyso:- Soomaaliland Oo Ka Jawaabtay Hadallo Kasoo Yeeray Mas’uuliyiin Ka Tirsan Puntland

Xilli Dhawaan Madax Ka Tirsan Maamulka Puntland Ay Sheegeen In Ay Gacanta Ku Hayaan Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Maamulka Soomaaliland Kuwaas Oo Kasoo Goostay Maamulkaasi Ayaa Arrinkaa Waxaa Beeniyey Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Maamulka Soomaaliland Ciise Axmed Yuusuf Xanwar Oo war-baahinta Kula Hadlay Magaalada hargeysa Ee xarunta Soomaaliland Ayaa Sheegay Wararkaasi In Ay Yihiin Kuwo Wax Kama Jiraan Ah.

Wasiir Xanwar Waxa Uu Tilmaamay In Dhammaan Ciidamada Maamulka Soomaaliland Ay Diiwaan Gashan Yihiin Oo Askari Kasta OoKa Mid Ahh Ciidamadaasi Uu Leeyahay Gaar Aqoonsi Ah.

Hadallada Kasoo Yeeray Qaar ka Mid Ah Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland Ee Ah In Ay Usoo Galeen Ciidamo Kasoo Goostay Soomaaliland Ayuu Waxa Uu Ku Tilmaamay Baran-bagaato Iyo In Ay Yihiin Warar Ay Buun-buuniyeen War-baahinada Qaar Sida Uu Hadalka U Dhigay Wasiir Xanwar.

Wasiirka Difaaca Maamulka Soomaaliland Ayaa Waxa Uu Xusay In Ciidamada Maamulka Soomaaliland Aysan Kuwo Hab Beeleed U Baabulan balse La Aqoonsan Yahay Askari Ka Tirsan Ciidamada Maamulka Soomaaliland Haddii Uu xanuunsan Iyo Haddii Uu Fasax Ku Maqan Yahay Intaba.

Waa Markii Ugu Horreysay Oo Maamulka Soomaaliland Ee fadhigiisu yahay hargeysa Uu Jawaab Ka Bixiyo Hadallo Dhawaan Kasoo Baxay Qaar Ka Mid Ah Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland Kuwaas Oo Sheegay In Ay Kusoo Biireen Ciidamo Kasoo Goostay Kuwa Maamulka Soomaaliland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Gaashaan-dhigga Soomaaliland:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe