Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Shir Jaraaid oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab
General Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu marnaba ku xad gudbi doonin Sharciga u dagsan dalka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tilmaamay in dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab ee lagu qabto dagaal ama howlgal ay horgeyn doonaan Sharciga.
S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa ugu dambeynti beeniyay Hadal ay si qaldan u turjumeen warbaahinta, kaasi oo ahaa in la dili doono raga ka tirsan Al-Shabaab ee lagu qabto Howlgalada
Ugu Dambeynti, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu xusay in ujeedada Ciidanka Xoogga Dalka uu yahay in ay si adag ula dagalamaan Al-Shabaab, Balse aysan ka tagi doonin sharciga iyo kala dambeynta u dagsan dalka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha:-