Roobabkii Xalay illaa Saaka Ka Da’ayey Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho Ayaa Waxa Ay Saameyn ballaaran ku yeesheen Dadka Danyarta Ah Ee Ku Dhaqan Muqdisho.
Goobaha Ay Aadka U Saameeyeen waxaa Ka Mid Ah Xaafado Ka Mid Ah Degmada Hodan Ee Gobolka Banaadir Kuwaas Oo Ay Ku Noolyihiin Dad Danyar Ah.
Xaafadaha Uu Roobka Sida Daran U Saameeyey Waxaa ka Mid Ah Xaafadda Siigaale Ee Degmada Hodan Halkaasi Oo Ay Ku Nool Yihiin Dad Qaxooti Ah.
Guddoomiyaha Degmada Hodan Ee Gobolka Banaadir Oo Ay Wehliyeen Xubno Ka Tirsan Maamulka Sida Guddoomiye Ku Xigeenka Amniga Iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Hodan Ayaa Waxa Ay Wadeen dadaallo Ay Ku Doonayaan In Ay Ugu Gurmadaan Dadkaasi Ay Roobabku Saameeyeen.
Guddoomiye Cantoobo Oo Halkaasi War-baahinta Kula Hadlay Ayaa Waxa Uu Sheegay In Ay Wax-badan U Qabsoomeen dadkiina Samata-bixiyeen Oo Ay Geeyeen Goobo Loogu Tala-galay isla-markaana halkaa Ufur Loogu Diyaarinayo.
Waxa Uu Sheegay Guddoomiyaha In Ay Ku dadaali doonaan Sidii Dib U Dayac-tir Loogu Sameyn Lahaa Oo Loo Dhisi Lahaa Biyo Degeenka Siigaale Oo Dad Badan Oo Danyar Ah Ay Ku Nool Yihiin.
Sidoo kale Maxamed Axmed cantoobo Guddoomiyaha Degmada Hodan Ee Gobolka Banaadir Ayaa waxa Uu tilmaamay khasaaraha Ka Dhashay Cel-celis Ahaan Uu Gaarayo illaa Iyo 3-Ruux Oo U Badan caruur yar Yar Ah.
Hoos Ka dhageyso Codka Guddoomiyaha Degmada Hodan:-