Wednesday, March 19, 2025
HomeWarar15 qof oo ku dhimatay Roobab dabeylo wata oo ku dhuftay Boorama.

15 qof oo ku dhimatay Roobab dabeylo wata oo ku dhuftay Boorama.

Gudoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxman Axmed Cali ayaa sheegay in ilaa shan iyo toban qof ay ku dhinteen daadad iyo roobaba dabaylo watay oo ku dhuftay 24-kii saac ee la soo dhaafay degaanno ka tirsan gobolka Awdal.

Dadka dhintay badankood ayaa waxa ay ku sugnaayeen degmooyinka  Lughaya iyo Baki .

Gudoomiyuhu wuxuu BBC-da u sheegay in degaanada qaarkood ay daadadku la tageen beero badan saracoodii iyo agabkiiba , iyadoo wararka hordhaca ahi sheegayaan xoolo badan oo ari iyo geel u badan ay ku dhinteen roobabkaasi xooggan.

Magaalada Zaylac ayaa iyana dadkii laga daadgureeyay shalay laakiin aan wax dhimasho ah laga soo sheegin ilaa iyo haatan dooxyada ku dhow zaylac ayaa daadadku ku qaadeen gaadiid .

Wararka ayaa sheegaya gurmad ay wadaan xukuumada somaliland iyo hay’adaha caalamiga ahi oo haatan la bilaabay in la gaarsiiyay dadweynaha khasaaruhu ka soo gaaray roobabka iyo daadadka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe