Thursday, April 25, 2024
HomeDhageysiDhageyso:-Ragii Ku Eedeesnaa Dilka Iyo Kufsiga Ca,isha oo Dil Lagu Xukumay

Dhageyso:-Ragii Ku Eedeesnaa Dilka Iyo Kufsiga Ca,isha oo Dil Lagu Xukumay

Maxkamadda darajada 1-aad ee Gobolka Nugaal ayaa xukun dil ah ku ridday raggii ku eedaysnaa kiiskii Caasho Ilyaas Aadan oo sanadkaan horraantiisii kufsi iyo dil loogu geeystay magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha maxkamadda Sheekh Cabdinuur ayaa ku dhawaaqay xukunka.

Ragga la xukumay ayaa kala ah: Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulinayso dowlad Goboleedka Puntland.

Maxkamadda ayaa sidoo kale fasaxday toddobo nin oo kale oo kiiskaan ku eedeeysnaa, kuwaas oo ay danbi ku wayday.

Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kele sheegay in ragga la xukumay ay haystaan bil racfaan ah.

Maxkamadaynta raggan ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacday ayadoo qareennaddii u doodayey ay codsadeen in waqti dheeri ah la siiyo.

Kiiska gabadhaan yar ee kufsiga iyo dilka loo gaystay ayaa caro weyn ka dhaliyey Magaalada Galkacyo iyo guud ahaan deegaanada Puntland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe