Saturday, March 22, 2025
HomeDhageysiDhageyso:- Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Muqdisho

Dhageyso:- Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Muqdisho

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qarax gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa loo adeegsaday oo Maanta ka dhacay meel u dhow Koontorool ciidamada Dowladda ku leeyihiin Taalada Xaawa taako lagana ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Goobta uu qaraxa ka dhacay oo ah afaafka hore ee Maqaayada Dalsan ayaa waxaa ku yaalla Goob inta badan ay istaagaam  Gawaarida ku wajahan dhinaca Madaxtooyada, iyada oo qofka wata uu kasoo dago kadibna uu soo aado Koontoroolka Ciidanka si uu u tuso kaarkiisa Aqoonsiga kadibna uu sidaasi ku gudbo.

Wararka Qaar Waxa Ay Sheegayaan In Ku Dhawaad Shan Ruux Ku geeriyoodeen Qaraxa Dhaawacuna Intaas Uu Ka Badan yahay Balse Mid Ka Mid Shaqaalaha Maqaayadda Dalsan Oo Saxaafadda la Hadlay Ayaa Tilmaamay In Indhihiisu Qabteen Hal Ruux Oo Meyd Ah Iyo Afar Ruux Oo Dhaawac Ah Waxa Uuna Sheegay in Uu Bur-Bur Xooggan Soo Gaaray Maqaayadda.

Dhinaca Kale Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas, iyaga oo sheegay inay qarax ku weerareen koontorool laga ilaaliyo Madaxtooyada, isla markaana ay ku dileen Ciidamo ku sugana koontoroolka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Goob-Joogaha:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe