Home Dhageysi Dhageyso:- Qaar ka Mid Ah Wax-garadka G/Gal-gaduud oo Dhaliilay Dhismihii Galmudug

Dhageyso:- Qaar ka Mid Ah Wax-garadka G/Gal-gaduud oo Dhaliilay Dhismihii Galmudug

299

Shirkaan jaraa’id Oo Ay Maanta Xubnaha Golaha Guurtida Deeganada Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud Ku Qabtee Magaalada cabud-waaq Ayaa Waxa Ay Kaga hadleen Arrimo Dhawr Ah Oo U Badan Khilaafka Siyaasadeed Ee Soo Kala Dhex-galay Madaxda Ugu sareysa Maamulka Gal-mudug.

Golaha Guurtida Ee Deeganada Dhaca Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud Ayaa Waxa Ay Sheegeen In Markii Horeba Aysan Ku Qanacsaneyn Habkii Loo Soo Dhisay Maamulka Gal-mudug Ee Ka Arrimaha Gobollada Mudug Iyo Gal-gaduud.

Waxa Ay Tilmaamay Hadda Oo Uu Khilaaf Soo kala Dhex-galayna Madaxda Gal-mudug isla-markaana Aanay Jirin Cid Ay La Safanayaan Balse Taa Badalkeedana Aysan Gebi Ahaanba Aqoonsaneyn Maamul La Yiraahdo Gal-mudug.

Guddoomiyaha Golaha guurtida Deeganada Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud Xasan cilmi Jaamac Iyo Xubno Kale Oo Ka Mid Ah Golaha ayaa Ugu Horreyntii halkaasi Ka Hadlay.

Si Kastaba Ma Ahan Markii U Horreysay Oo Golaha Guurtida Deeganada Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud Ka Hadlaan arrimo La Xariira Maamulka Gal-mudug Iyagoona Dhawr Maroo Hore Qaadacay Jiritaanka Gal-mudug balse Hadalkaan Golaha Guurtida Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud Waxa Uu Kusoo Adayaa Xilli Khilaaf Siyaasadeed Uu Soo Kala Dhex-galay Madaxda Ugu sareysa Gal-mudug Kuwaas Oo Haatan Ku kala Sugan magaalooyinka Cadaado Iyo Dhuusa-mareeb.

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Wariyaha Codka Gobollada Dhexe Ee cabud-waaq Saciid Cabdi Maxamed:-