Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30 May 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu ku saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Garoowe.
Xeer Madaxweyne Lr. 62 23 May kuna saabsan Kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Qandala ee Gobolka Bari.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu arkay:Â Dastuurka Dawladda Puntland.
Markuu tixgaliyey: Talo soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.
Markay caddaatay: Inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday.
Wuxuu xeeriyey.
- Waxaa la Kala dirayGolaha Deegaanka Degmada Qandala.
- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.
=DHAMMAAD=