Sunday, April 20, 2025
HomeDhageysiDhageyso:- Qaar ka Mid Ah Barakacayaasha Kaamka Karaamo Oo Ka Cabanaya Guddoomiyaha...

Dhageyso:- Qaar ka Mid Ah Barakacayaasha Kaamka Karaamo Oo Ka Cabanaya Guddoomiyaha Kaamkaasi

Qaar Ka Mid Ah Barakacayaasha Ku Jira Kaamka Karaamo Ee Magaalado Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ayaa Waxa Ay Cabasho Ka Muujiyeen Qaabka Loo Maamulo deeqda Lasoo Gaarsiiyo Dadka Ku Jira Kaamkaasi.

Barakacayaashaan Waxa Ay Sheegeen In Saddexdii Sano Ee U Dambeysay Aysan Waxba Kasoo Gaarin Deeqdihii Laga Qaybinayey Kaamka Iyaga Oo Guddoomiyaha Kaamka Ku Eedeyey In Uu Gacan bidixeynayo Dadka Aan Maatada Ah Ee Ku Jira Kaamka Sida Ay Hadalka U Dhigeen.

Hay’adaha Samafalka Iyo Cid Kasta Oo Wax La Baxeysa Ayey Ka Dalbadeen In Aysan Usoo Marin Gacanta dadka Horjoogayaasha U Ah Kaamka Kuwaas Oo Ku Eedeeyeen In Musuq-Maasuqaan Deeqaha Lasoo gaarsiiyo Kaamka.

Dhinaca Kale xariir Aan La Sameynay Guddoomiyaha Kaamka Karaama abdi Mohamed Shuuriye Qooryarey Si Uu kaga Jawaabo eedeymaha Loo Soo Jeedinayo Ee Ah In Uu Musuq Masuqay Deeqdii Loogu Talagalay Dadka Kaamka Karaamo ayaa Arrinkaas Ku Tilmaamay Mid Been Abuur Ah.

Waxa Uu Sheegay In dadkaan Cabanaya Aysan Ka Mid Aheyn Barakacayaasha Kaamka Karaamo Isaga Oo Sheegay In Qaab Sinaan Ah Wax Ugu Qabiyaan Dadka Ku Jira Kaamkaasi.

Ma Ahan Markii Ugu Horreysay Oo Musuq Iyo Wax Isdaba Marin ka Cabtaan Qaar Ka Mid Ah Barakacayaasha Kaamka Karaama Inkastoo Maamulka Kaamka Uu Iska Fogeeyey Eedeymaha Loo Jeediyey.

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe