Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Puntland C/laahi Max’ed Jaamac (Quraan-jecel) Oo Goor-dhow Warbaahinta Kula hadlay Magaalada garoowe Ee xarunta Gobolka Nugaal ahna caasimadda Puntland Ayaa Waxa Uu Sharraxaad ka bixiyey Dagaalkii Maanta KA Dhacay Tukaraq.
Afhayeenka Ayaa Soomaaliland Ku Eedeyey In Saaka Aroortii Hore Ay Weerar Kusoo Qaadeen Fariismo Ciidanka Maamulka Puntland Ku Leeyihiin Aagga Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool.
Sidoo kale Quraan-jecel Ayaa Waxa Uu Tilmaamay I n Dagaalkaasi Ay Guul Kasoo Hooyeen Ciidamada Maamulka Puntland Isla-markaana Jab Lagu Gaarsiiyey Soomaaliland.
Waxa Uu Tilmaamay In Gaadiid fara-badan Looga Gubay Soomaaliland dagaalka Kuwa Kalena Ay gacanta Ku hayaan Taasina ay tahay Guul Usoo hoyatay Shacabka Reer Puntland.
Dhinaca kale Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Puntland C/laahi Maxamed Jaamac ayaa Waxa Ciidamada maamulka Soomaaliland waxaUu Ku Eedeyey In Ay jir-dil Iyo caburin U Geysteen Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Laas-caano Ee gobolka Sool.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Puntland:-