Maxkamadda Darajada Koowaad eeciidamada qalabka sida ayaa maanta ku dhawaaqday dacwad ciqaabeedkii loo heystay laba dhalinyaro ah oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsanaayeen Ururka Al Shabaab.
Eedeysanayaasha maanta ay Maxkamaddu xukuntay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Xuseen Daa’uud Cali Hafow iyo C/laahi Maxamed Axmed Muxumed.
Xuseen Daa’uud ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in Al Shabaab uu u qaabilsanaa Bambo tuurista, islamarkaana la soo qabtay isaga oo Bambo ku tuuray waaxda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid 04-tii bishii August 2018.
C/laahi Maxamed Axmed ayaa maxkamaddu waxa ay ku eedeysay in Al Shabaab uu u qaabilsanaa kireynta guryaha.
Maxkamadda ayaa ugu dambeyn markii ay dhageysatay dacwad ciqaabeedkii loo heystay raggan waxa ay Xuseen Daa’uud ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, halka C/laahi Maxamed lagu xukumay 1 sano oo xabsi ciidan ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay cidii aan ku qanacaneyn xukunka inay u furan tahay racfaan.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ah halka ugu dambeeya ee la horgeeyo marka la soo qabto xubnaha ka tirsan kooxaha argagixisada iyo ciidamada gala dambiyada kala duwan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Maxkmadda:-