Sunday, March 23, 2025
HomeDhageysiDHAGEYSO:- Maxaa Ka Jira In Qashin Iyo Sun Lagu Aasay Dekadda Ber-Bera

DHAGEYSO:- Maxaa Ka Jira In Qashin Iyo Sun Lagu Aasay Dekadda Ber-Bera

Xildhibaan Saciid Warsame Oo Ka Mid Ah Golaha Wakiilada Soomaaliland Ayaa Markii Ugu Horreysay waxa Uu Ka Hadlay Arrimo Xasaasi Ah Oo Ku Saabsan Qaabkii Shirkadda DPWorld Ula Wareegtay Dekadda Magaalada Ber-Bera Ee Soomaaliland.

Xildhibaanku Waxa Uu Sheegay In Marka Horeba Ka Xildhibaan Ahaan Uusan Ka Warqabin Waqti Ay DPWorl La Wareegtay Dekadda Ber-Bera Balse Taa Badalkeed Waxa Uu Hoosta Ka Xariiqay In Kolkii Hore Xildhibaanada Lagu War-Geliyey In Imaraadku Qayb Ku yeelan Doono Saamiga Dekadda Laakiin Xildhibaanku Waxa Uu Sheegay In Hadda Wax Badan Isbadeleen Gebui Ahaana Dekadii Ay La Wareegtay Shirkadda DPWorld.

Sidoo Kale Xildhibaan Saciid Waxa Uu CarrabkA Ku Dhuftay In shirkadda DPWorld Ay Qashin Iyo Sun Isku Darsan Ay Ku Aastay Dekadda Magaalada Ber-Bera Weliba Iyada Oo Ay Xaadir Yihiin Mas’uuliyiin Ka Tirsan Soomaaliland.

Maayarka Magaalada Ber-Bera Ee Soomaliland Ayuu Sheegay In Uu Goob-Joog Ahaa Waqtii La Aasayey Qashinka Xattaa Isugu Waxa Ka Aasay Sunta Sida Uu Sheegay Xildhibaan saciid Warsame Oo Ka Mid Ah Golaha Wakiilada Soomaaliland.

Madaxda Ugu Sarreysa Maamulka Soomaaliland Ayaa Horay Waxa Ay USheegeen In Shirkadda DPWorld Ay Saami Ku Yeelan Doonto Dekadda Magaalada ber-Bera Soomaaliland Balse Kasoo Yeeray Xildhibaan Saciid Warsame Ayaa Muuqda In Uu Daaha Ka Qaadayo In Gebi Ahaanba Dekadda Ber-Bera Lagu Wareejiyey Shirkadda DPWorld Ee Laga Leeyahay Wadanka Imaaraadka..

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaanka:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe